Kheeyraadkeena!

Guud ahaan Caalamkan Dalalka Kheeyraadka Qaniga Ku ah ayuu ugu Faqri, Sinaan La,aanta, deganaan la,aantu Kubadantahay Gumeysiga silloon aawgeed ( Congo,  Soomaaliya, Ciraaq, K/Suudan, Liibiya, Laybeeriya etc.)  Mase ahan In kheyraadku Keeno sida aay Kudoodaan Kuwa loosoo meeriyeen sida ku xusan Link-gan https://endpoverty.org/2017/12/12/the-hidden-effects-of-natural-resources-in-resource-rich-countries/ siloogu dawarsado dadkii  labara kiciyey, Kheeyraadkoodana Loo Gurto dibna Loogu soo celiya musaacada ahaan & dowlad  Dhisid aan Dhamaan.

Soomaaliya waaa Dal Qani ku ah Kheyraadka dabiiciga sida Shidaalka, Beeraha, Kaluunka, Xoolaha, Macdanta & Xabagta) dadkiisuna Amni-daro,saboolnimo  iyo Faqri kunoolyihiin Marka Carab iyo cadaan Isu kaashada.1991 kadib waxaa  hoos usii dhacay hankii  dadka  kuna xirey  shisheeya ayadoo gacmo qarsoon Loosoo Marey oo u fuliya kuxirnaansho shisheeye, Magac quruxsan loobaxshey. Gumeysigii miskaxda ka jeediyey Kheeyraadkoodii Xalka U ahaa, lagu qanciyey Inuu Kheyraadkuba sabab Uyahay Burburka iyo Faqriga sida Link Hore Kuxusan!

Dalkeenu waxuu leeyahay Xeeb ugu Dheer Africa 3333km  Dherar a,sadax webi (Juba, Shabelle iyo Daawo) waxaa dhul-beeraad kuhaboon 8.9 milyan oo hektaar, 1970-1990  waxaay Kamid aheed Dalalka Ugu soo  Saarka badan Kaluunka.  Beerakaha iyo kaluunka soomaaliya Hadii  Loo helo Khubara, Tiknolojiyad agabka Casriga La Iska kaashado sidii Suuq dibada loogu heli lahaa waxaa  Hubaal ah   In dhaqaalaha dalka Kordhayo, Shaqo La,aantu hoos Udhaceeso, Dakhli kasoo Xaroon Dibadda Meesha muda gaaban.

Dalkeena  Inta Kuhaboon Beeraha  Hadii  Si Cilmiyeeysan  Looga faaideysta webiyada, Roobka Guga & deerta oo Badanaa Kudara badda anagoo ubaahan iyo weliba  biyaha dhulka hoostiisa kujira kuwaas oo kufilan dadkeena, dalageena & xoolahaba  alkeenu Muda Gaaban ayuu Deeq Bixiyayaasha  uga midnoqon.

Soomaaliya waxaay Leedahay xoola kabadan 50 Milyan oo Tayadoodu Ugu sareesa  Caalamka  Una baahan In  si cilmiyeeysan Loo dhaqdo, si Nolosah xoolaleyda iyo dalkuba isu  Bedesho maadama hadaba dakhliga  dalka 40%GDP  ka yimaada xoolaha aan dibadda udhoofino

Dalkeena Macdantiisu waa Bikra Ubaaahan In Loo helo qalab & Cilmi waxaa  Nasiib daro ah  In Dalkeena macdantiisa iyo kaluunkiisa Amni darada aawgeed si sharaci  daro loola baxo ooy Xadaan dowladaha isku sheega Inaay ilaaliyaan taasooy seyladaha caalamka ku iibiyaan kaluunka iyo macdanta soomaaliya.

Waxaan  Usoo  Jeedineynaa Qofkasta oo Damiir Leh  Muxaafad iyo Mucaaradba oo Awooda  Inuu Uguntada sidii dalka Loo badbaadin lahaa, kheeyraadkiisana Umaali laheen, Una Horumarin laheen anagoo Isku duuban waxaan Isku Khilaafsanay Kasaarno waxa  naga dhaxeeya waana waajib wadaniyad  iyo mid diiniba

 

Prof shaafici Yuusuf

info@dalmaal.com

+252-615-768-281

2019-02-28T13:06:44+00:00